Akhriskayga Buugga Macno-raadinta Aadamaha (Men’s Search For Meaning)

“Qofka yaqaanna sababta uu u noolyahay, waa uu u dulqaadan karaa caqabad kasta oo nololeed” Nietzsche

Waa buug ka duwan buugaagtii aan hore u akhriyay dhammaantood, waxa uu iskugu jiraa laba qaybood oo mid kastaa iskii u noqon karo mawduuc gaar ah oo buug gooni ah laga qori karo. Waa laba mawduuc oo si u kala madaxbannaan, haddana si weyn oo kale iskugu xidhan. Dhacdada koowaad ee buugga qaybtiisa hore ku xusani, waxa ay sabab u tahay, jiritaanka aragtida ku xusan qaybta labaad ee buugga.

Qaybta koowaad ee buuggu waa xusuusta waayihii uu qoraagu uu xabsiga ku qaatay, wixii duruuf uusoo maray iyo dareennadii uu lasoo noolaaday. Waxa uu sawir faahfaahsan ka bixinayaa xabsiyadii ay Yuhuuddu ku jireen ee Naasiguna maamulayay.

Qaybta labaadna waxa uu kaga hadlayaa, aragti cilmiyeed uu kusoo curiyay xabsiga, amaba ka dhalatay isbadbaadintii dabiiciga ahayd ee qoraaga, isaguna uu noqday tijaabiyihii koowaad ee aragtida. Markii danbe se noqotay mid aad u shaacsan oo daafaha dunida oo dhan ay ka adeegsadaan dhakhaatiirta maanka ee baanta qofka nafsad ahaan buka ama dhaawacan.

Aynu bilawga sheekada ku noqonno’e, Fiktor (Victor) waxa uu ka mid ahaa Yuhuuddii Ustari degganayd, waxa uu ku dhashay oo ahaa reer Fiyeena, intii aanu maxbuuska noqon, waxa uu ahaa dhakhtar kasma-nafeedda bartay oo ku shaqeeya, marka la qiimeeyo duruuftii ayaamahaas aloosnayd,  xabsi u taxaabista Fiktar waxa ay ahayd wixii ugu yaraa ee laga filan karayay maamulkii Naasiga ee qawmiga ahaa islamarkaana nacaybka badan u qabay Yuhuudda, taariikhduna ay werisay in malaayiin Yuhuud ahi ay gacantiisa ama amarkiisa ku baxeen, malaayiin kalena qaxoonti ku noqdeen, kuwo kale oo badanina ay xabsiyada ku rafeedeen ama silic ugu geeriyoodeen.

Duruufahaas kala duwan ayay mareen dhammaan Yuhuuddii degganayd dalalkii Yurub ee xulafada ahaa, waxase ay ka sinnaayeen hal wax, kaas oo ah danbiga keli ah ee ay ku eedaysnaayeen inuu ahaa Yuhuudnimadooda!

Qoraha buuggu waxa uu ka mid noqday tirada maqaadiirtu xukmisay in ay xabsiyada galaan, muddadii uu xidhnaana waxa uu iskaga gudbay jeelal kala geddisan oo dalka ku yaalla, gebi ahaantoodna iskaga mid ahaa, rafaadinta iyo ciqaabta adag ee la marsiiyo maxaabiista.

Muddada uu xabsiga ku jiro Fiktor waxa uu marayaa duruuf aad u qallafsan. Maalin kasta oo dhalata waxa uu waajahayaa hawsha adag ee beerfalashada ah ee lagu qasbo, iyo ciqaabta daran ee askartu ay mariyaan. Cunto yarida, hurdo yarida, cabsida iyo qabawgu waxa ay ka mid noqonayaan wax nolol-maalmeedkooda ka mid ah oo ay goor walba fishaan islamarkaana la kulmaan.

Muddo saddex sannadood ah ayuu ku jirayaa duruuftaas, waxa aannu muddadaas waayayaa saaxiibbo iyo ehel badan oo xabsiyada kula jiray oo u dhimanaya saxariirta ka jirta xabsiyada. Dhacdooyinkaas isdabajoogga ah waxa aad ka akhrisan doontaa qaabka ay noloshiisa u saameeyeen. Waxa ku xusan dhacdo la yaab leh oo uu ka sheekaynayo qoraagu, nin ka mid ah asxaabtiisa ayaa geeriyoonaya isaga oo ay wada sheekaysanayeen uun laba saacadood ka hor, laakiin dhimashada saaxiibkii waxa uu sheegayaa in aanu waxba dareemin, iyada oo weliba meydku uu la yaalo. Waxa ay kuu sheegaysaa sida aadamuhu ula qabsado hadba duruufta uu ku jiro, waana mid ka mid ah qaababka uu isku badbaadiyo, si uu isaga fududeeyo saamaynta ay murugadu ku yeelan karto noloshiisa marka horeba adkayd.

Logotherapy

Qaybta Labaad ee buugga, waxa uu qoraagu kaga sheekaynayaa aragtida Logotherapy, oo uu buugga ku faahfaahinayo sidii ay ugu dhalatay iyo qaabkii uu u adeegsaday ee bukaanno kala duwan ugu daweeyay markii uu kasoo baxay xeryihii ciqaabta.

Waxaa jiray aragtiyo ka horreeyay oo la adeegsan jiray, iyo kuwo kale oo ka danbeeyay. Aragtidani waxa ay leedahay qofku marka uu nafsad ahaan xanuunsanyahay, ee la daalaadhacayo cudurrada ay ka midka yihiin qulubka, werwerka iyo cabsidu, waxaa lagu baanan karaa, in noloshiisa macno loo yeelo, ama lagu baraarujiyaba in ay leedahay.

Cudurrada nafta ku dhacaa, waxa ay qofka ka qaadaan waxa ugu muhiimsan nolosha oo ah rajo, taas oo la’aanteed ay adagtahay in uu qofku nolol macno leh noolaado.

Qoraagu waxa uu ku doodayaa waxyaabihii u fududeeyay in uu ka badbaado ciqaabtii adkayd ee xabsiga, in ay tahay masuuliyaddii uu dareemayay iyo sawirashadii uu sawiranayay nolosha xabsiga ka danbaysa.

Fiktor waxa uu ku talinayaa in si noloshu macno u yeelato, uu qofka insaanka ahi u baahanyahay saddexdan qodob in uu ku dedaalo, amaba u dhug yeesho.

  1. Shaqo uu qabanayo oo ku foogganyahay iyo masuuliyad uu dareemayo oo jiifka ka kicinaysa.
  2. In qofku uu dareemayo jacayl iyo ka mid ahaansho – qof la jecelyahay islamarkaana wax jecel.
  3. Culaysyadiisa in uu u turjunto ama loogu macneeyo, in ay yihiin fursado uu wax ku baranayo, ama ay naftiisa iyo noloshiisa ay diyaarinayaan.

One comment

  1. Waa qoraal xeeldheer oo qofka buugga aan hore u akhriyin sawir buuxa ka siinaya. Halka qofka hore u akhriyeyna uu muraajaco fiican ugu filanyahay.

    Mahadsanid.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *