Akhriskayga buugga YOU, YOUR CHILD AND SCHOOL.

Buugga la yidhaa YOU, YOUR CHILD AND SCHOOL oo ay wada qoreen Ken Robinson iyo Lou Aronica oo qalin wadaag ah. Waxa ay kaga hadlayaan kaalinta waalidka ee waxbarashada ilmaha. Waa buug xiiso badan oo qof kasta oo waalid ah ama ilmo korinayaa ay fiicnaan lahayd inuu akhriyo.

Haddaba waxaa xiiso ila yeeshay, wax uu u bixiyay; Noocyada waalidiintu ay wax u barbaariyaan, oo ku soo koobay shan nooc;

  1. Authoritarian Parent: Waa waalidka ilmihiisa u yeedhiya amarro ay waajib ku tahay inay raacaan, isla markaana aan u raacin wax sharraxaad ah oo ay ilmaha ku qancinayaan, haddii ay raaci waayaan sharciyadaasna ciqaab ayay mariyaan. Ubadka ay waalidkani koriyaan, waxay noqdaan markay weynaadaan, kuwo ku fiican inay shaqada loo diro wakhtigeeda ku qabtaan, dhibkuse waxa weeyaan, in ay farxaddu ku yar tahay, oo ay dhib kala kulmaan dad dhexgalka.
  2. Authoritative Parent: Waa waalidka ilmaha u dhiga nidaam uu raaco, isla markaana u raaciya sharraxaadda iyo sababta ay tahay inuu sidaas u yeelayo. Waa waalidka aqbala in ilmuhu uu mararka qaar jebin karo xeerarkaas, balse ay tahay in uu ku dedaalo fulintooda. Ubadka ay waalidkani koriyaan, waa ubad faraxsan, dad la dhaqanka ku fiican, islamarkaana la saadaalinayo inay ku guulaystaan nolosha.
  3. Permissive Parent: Waa waalidka ula dhaqma ilmaha sidii ay siman yihiin mar walba, saara hawl yar, kana fisha wax ka sii yar. Ilmaha sidan loo koriyaa waxa uu dhib kala kulmaa awoodda dibadeed ee guriga ka baxsan siduu ula macaamili lahaa, sida macallinka ama qofka shaqada uga sarreeya.
  4. Uninvolved Parent: Waa waalidka aan dan iyo heello midna ka gelin sida ilmihiisu u dhaqmayo. Waa waalidka masuuliyaddooda u arka in ay ilmaha siiyaan wuxuu cuno iyo wuxuu cabbo. In ay hagaan ubadka iyo in ay u dhigaan hannaan uu raaco iskuma luraan. Ubadka sidan loo koriyaa, waxay hadhaw noqdaan kuwa aan naftooda hanan karin oo nolol fawdo ah ku noolaada, sidoo kalena kalsoonida naftoodu aad bay u liidataa.
  5. Helicopter Parent: Waa waalidka si xad dhaaf ah ubadka u ilaaliya, ee aan siinin ubadka kansho ay iskood caqabadaha qaarkood u xallistaan, wax walbana raba in ay iyagu u qabtaan. Waa waalid aad u dabagala, mar walbana ilmaha ag jooga si ay u ilaaliyaan. Ubadkani waxa ay noqdaan kuwo kalsoonidooda nafeed aad u hoosayso oo aan hubin in ay naftooda wax u qaban karaan, Hadhaw waxaa ku badata cabsida ay ka qabaan guuldarrada, waxaanay u badan yihiin inay ku dhacaan xanuunnada qulubka iyo Cabsidu (Depression and Anxiety).

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *