Jirridda Baambu – Buuggii Sannadka

Sheekadan waxaa Af Carabi ku qoray Sacuud Sancuusi, waxaase Af Soomaali qurux badan oo aan tayadii sheekada wax uu ku biiriyo ma ahee waxba ka dhimin u turjumay Dr Maxamed Xirsi, sheekadu waa Jirridda Baambu. Intii aan akhrinayay buugga waxa shaki iga galay, in sheekadu turjumis tahay iyo in aan luuqaddii asalka ahayd ku akhrinayo. Maxamed waxa uu aad iskugu shuqliyay in uu sheekada dhadhan Soomaali u yeelo, iyada oo aan Carabnimadeedii haba yaraato’e luminin.

Sheekada waxa hoggaanka u haya wiil Filibbiini ah, marka uu meel joogo, isla isaga oo marka uu meel kale joogana Carab ah, markii uu dhashay dhegta lagaga eedaamay oo aabbo Muslim ahi dhalay, mar kale oo uu dalkii hooyadii u safrayna kiniisadda la geeyay si looga soo barakeeyo, ku abtirsada dabaqad sare oo Kuwaytiyiin ah, haddana ku barbaaraya xaafadaha isku raranta dabaqadda hoose ee Filibiin!
Jose waa jilaha koowaad ee sheekada, inta aan noloshiisa iyo ahaanshiyihiisaba loo gudbin, magiciisu wuxuu ku siinayaa xogta loollanka jiritaankiisa, bogga koowaad ee buuggu waxa uu ku bilaabmayaa; “Magacaygu waa Jose, sidaas ayaa loo qoraa, Filibiin iyo Af Ingiriisigaba waxa loogu dhawaaqaa Hooseeyh. Carabiga iyo sidoo kale Isbaanishka waxa loogu dhawaaqaa Khooseeyh, Bortuqiiskana isla sidaas ayaa loo qoraa, waxase loogu dhawaaqaa Jooseeyh! Halkan Kuweyd miyaa! Waxaas oo magac ah shaqo kuma leh, magacaygu waa Ciise”.

Sheekada Jirridda Baambu waxaa ku dhan, loollanka gudeed ee ahaanshiyaha, midka dabaqadaha, midka diimaha iyo loollanka haybaha, iyaga oo weliba isla hal qof ku wada kulmaya.
Isla hal qof sida uu u yeelan karo intaas oo magac oo midkastaa ahaanshiyo metelayo, isla hal qof sida uu u yahay Ciise Daaruuf reerka sharfan ee la ixtiraamo ku abtirsada, dabaqadda sare ee Kuweyt ku jira, reerkooda oo raggu ka dabar go’eenna jiritaankiisu u yahay sabab magaca qoysku kusii waari karo, nasiib xumaduse ay tahay weji Ceebeedka magacaas xanbaaraya, waa Hooseeyh Minduusaha ay dhashay jaariyadda Filibbiiniyadda ah.

Ciise ama Hooseeyh marka uu Kuweyt joogo waxa ay u yaqaannaan dadku Filibiiniga, marka uu Filibiin joogana waxa lagu naanaysaa Carabo. Labada bulsho ee waalidkii kasoo jeedaa midna ma ay aqbalin, mid walbana waa uu ka tilmaamanyahay marka uu dhex joogo. Afkiisa hooyo ee u uku barbaaray wuu ka dhigi kari waayay Filibiini, muuqaalkiisuna waxa uu ka hor istaagay ahaanshiyihiisii Kuwaytinimada iyo kiisii Carabnimaba.

Hooseeh waxa uu ku dhalanayaa guur shil ah marka loo eego duruufta ku geddaaman, noloshiisa oo dhanna waxaa qaabaynaya mashaqada shilkaas ka dhalanaysa.

Sheekadu waxa ay suugaan la yaab leh ku gudbinaysaa, ciqaabta ay mutaan qofafka kooban ee isku daya inay ka tallaabaan xeerarka aan qornayn ee bulshooyinka muxaafidka ah, kuwaas oo ubadkooda iyo qof kastoo ka mid ahba, ku barbaariya inay dhawraan caadooyinkaas ab kasoo gaadhka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *