Saamiqaybsigu muxuu muhiim u yahay?

Dawladnimada iyo dalku ma aha wax qalbi leh oo la jeclaado, waa agab loo samaysto ama u jira, in uu danaha dadka ku hoos nool si siman ugu adeego. Dawladnimada casriga ah ee xilligan jirtaa, waxay u taagantahay in ay buuxiso laba baahiyood oo aasaasi ah; Baahida caaddifadeed iyo baahida maaddi ee muwaaddiniinta – baahida caaddifadeed waa ahaanshiyaha qofka ee ay samayso aaminaaddiisa ama haybtiisu, ta maaddiga ahina waa ta uu ku noolaanayo ee amnigiisa, hoygiisa, hu’giisa iwm.

Marka dawlad burburtay dib loo yagleelayo, baahida maaddiga ah waxaa ka muhiimsan ta caadifadeed ee bulshada, waayo waxaa burburka raacay kalsoonidii ay dadku isku qabeen iyo tii ay dawladda ku qabeenba. Sidaas darteed ayaad u arkaysaa, dawlado dastuurkooda ku qoranaya waxkasta oo muran keeni lahaa, sida in xilalka muhiimka ah qaabka loo qaybsanayo la caddeeyo.

Doodda saamiqaybsiga ee marar badan Somaliland ka taagan, dadka ku dooda in ay bulshadu xaq u leedahay, adeegyo ee aanay muhiim ahayn cidda adeegyadaa loo xilsaarayaa, waxay ilduufayaan qodob ka mid ah baahiyaha waaweyn ee ay dawladnimadu qabato ama u jirtaba, oo ah ilaalinta dareenka caaddifadeed ee bulshada, waana arrin weyn oo ummadda ku sababa inay ka fekeraan aayo-katashi. Tusaale waxaa ku filan Somaliland markii ay Soomaaliya ku biirtay 1960kii, wixii ugu horreeyay ee la saluugay ma ahayn waxqabad, ee waxa uu ahaa saamiqaybsi.

Marka laga yimaaddo siyaasadda loo dhanyahay (inclusive politics), inay kalsoonida dawladnimada wax weyn ka tarto, waxaa jira arrin kale oo weyn oo hadda ay tahay in aad loogu dhug yeesho; fursadaha dhaqaale ee hay’adaheenna dawladeed ag yaallaa, ma maraan nidaam sax ah oo qof kastaa si siman uga qaybqaadan karo, masuulka hay’addaas jooga ayaa awoodda u danbaysa iska leh, hadday noqonayso shaqaalaysiin iyo fursadaha kale ee ka jiri kara, marar badan wasiirka meel loo magacaabaa wuxuu waaxaha ku daraa qofaf reerkiisa ah, waxaana aad u dhacda in masuul kastaa xafiiska uu soo maro uu qofaf ay isku cid yihiin shaqaalaysiiyo. Haddii dadka la magacaabayaa ay cid gaar ah u bataan, waxaan shaki ku jirayn in fursadaha waddanka ka jirana ay isla ciddaasi u dhawaanayso. Markasta oo cidi dareento in fursadaha ay ka fogtahayna, loollanka haybeed ama kooxeed wuu sii xoogaystaa. Waa halkii uu Hadraawi ka lahaa;

Inta qaran dhiskiisiyo

Dhidibkiisu taagnaa

Dheeraad nin dooniyo

Qof ku dheggan xaqiisoo

Dhacsanaaya baa jira.

Laga yaabee in ay iman karto dood odhanaysa xilalka noocee ah ayaa saami loo eegayaa, waxaan qabaa qof kasta oo digreeto madaxweyne ku soo baxa, oo aan ku imannin tartan madaxbannaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *